La soco wararka cusub!
Dawladdu waxay dhammaan dadka degan Noorway ka codsanaysaa inay akhriyaan macluumaadka iyo talooyinka muhiimka ah ee ku saabsan fayraska koroona oo laga helayo www.fhi.no. Markasta waxa imanaya talooyin cusub. Macluumaadku wuxu ku qoranyahay af-noorweyji iyo ingiriisi. Haddii ay kugu adkaato in aad fahantid macluumaadka waxannu kaa codsanaynaa inaad raadsatid qof aad taqaanid oo ku caawiya
Haddii aadan heli karin jawaabaha aad raadinayso, waxaad wici kartaa khadka taleefanka ee Macluumaadka Dadwaynaha FHI 815 55 015. Khadku wuxuu shaqaynayaa maalmaha shaqada 8 gh – 6 gd iyo maalmaha fasaxa toddobaadka 10 gh – 4 gd.
Haddii aad u baahan daryeelka caafimaadka xaaladda gurmadka, wac dhakhtarkaaga. Haddii aadan awoodin inaad la xiriirto dhakhtarkaaga, wac Adeegga Xaaladda Gurmadka ah 116 117. Haddii noloshaada iyo caafimaadkaagu halis ku jiraan, wac 113 (VG)